4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Ciidamada NISA oo qabtay rag ku shaqeysta dhaqida iyo farsameynta dollar-ka

 

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka shaqeysata sameynta dollar-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah kooxdan gacanta lagu dhiggay kuwa kalana lagu raadjoogo, iyadoo horay dowladda dhaqida dollarka iyo farsameyntiis-ba u aqoosatay faldanbiyeed aad u weyn.

Shabakadan ayeey NISA sheegtay in ay ku xirnaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha, laakiin lama sheegin magaca xildhibaanka oo macluumaadkiisa loo gudbiyay sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga.

“Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya qabto rag sameey-nayay dollar false ah oo dadka lagu qaldo, laakiin marka hore aan waxba ka duwaneyn kan rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]