4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Maareeye : Turkiga wuxuu doonaya si dhaqso ah in wax soo saarka Soomaaliya loo geeyo suuqyadiisa

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya,Maxamed Xayir Maareeye  oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay dooneyso siddii wax soo saarka Soomaaliya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Turkiga,kaddib kulan gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga.

Maareeye oo dalka u jooga ka qaybgalka shir weynaha madasha ganacsiga Afrika iyo Turkiga , ayaa kulanka uu la qaatay wasiirka ganacsiga Turkiga waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

"Turkiga wuxuu nagu dhiirrigaliyay siddii dhaqso loogu billaabi lahaa in wax soo saarka Soomaaliya oo canshuur dhaaf loo sameeyay loo keeni lahaa suuqyadiisa, arrinta oo uu gacan naga siin doono." ayuu yiri wasiir Maareeye.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageerra Soomaaliya, waxaana labada dal ka dhaxeeya iskaashi  ballaaran, iskaashigaa ayaa lagu tilmaama inuu door ka qaadanayo mar kale inay duniddu aaminto Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]