4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
RW Khayre: Waa in la fuliya qorshaha amniga caasimadda ee tubta amniga iyo cadaaladda

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -   Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlay weerar galinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen ayaa hay'adaha ammaanka faray in la xoojiyo amniga.

Ra'iisul wasaare Khayre , ayaa inta ku daray hay'adaha ammaanka in looga baahantahay dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee tubta amniga iyo cadaaladda.

Dad ka badan soddon ruux ayaa ku dhintey weerarka oo lagu bartilmaameedsaday hoteelka caanka ah ee Saxafi iyo xarunta CID-da ee KM4, waxaana dowladda lagu dhaliilaya inaysan wali wax qorshe ah u heyn weerarrada qaraxyada ah ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka oo loo adeegsaday saddex qarax oo is xig xigay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]