4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Musharrax Cabdirisaaq Janagale oo maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -    Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Cabdirisaaq Janagale , oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxaa ku soo dhaweeyay boqollaal ruux oo isugu jira, Nabadoonnada, waxgaradka, dhallinyarada,haweenka, Ardayda iyo qaybaha bulshada magaalada Gaalkacyo.

Ugu horrayn, Musharrax Cabdirisaaq Janagale ayaa u mahadceliyay qaybihii bulshada gobolka Mudug ee soo dhaweeyay, waxa uu ku sheegay soo dhaweynta Gaalkacyo inay wadnihiisa taabatay, waxa uu inta ku daray isagoo boqollaal ruux kula hadlay barxadda bartamaha ee magaalada Gaalkacyo, in isbadalka la doonayo ee Puntland inuu bulshada ku jiro, isagoo ugu baaqay bulshada inay u diyaar garoobaan isbadlka.

" Aashuun ku adimi maayo,lixdan iyo lixna u gurguuran maayo, dowlad shisheeyana ima wadato.. umaddeyda ayaan ka dhex raadsanaya dadka." ayuu yiri Musharrax Cabdirisaaq Janagale oo inta ku daray " Isbadalka maanta bilowday oo Gaalkacyo ka bilowday mid ciyaar ah ma aha waa mid aan u baahanahay, waayo jiritaankeenna ku jira.. sharciga oo sarreeya jiritaankeenna ku jira,maxkamaddii sare oo la dhiso jiritaankeenna ku jira.. musuqa oo lala dagaallamo oo la tirtiro jiritaankeenna ku jira."

Musharrax Cabdirisaaq Janagale , ayaa waxaa kalo u sheegay inuu socdaal ku marayo dhammaan deegaannada Puntland.

Nabadoonnada, waxgaradka iyo qaybihii kale ee bulshada oo ka hadlay soo dhaweynta musharrax Cabdirisaaq Janagale ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerrayaan musharraxa.

Ololaha doorashada ayaa si xooggan uga socda Puntland,iyadoo la filayo doorashada guud ee madaxweynaha in la qabto horraanta bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]