4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Halkee ayuu marayaa shirka hoggaamiyayaasha gobolka ee magaalada Gondar

 

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Magaalada Gondar ee dalka Itoobiya waxaa wali ku shir ku leh hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Maanta ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii war-murtiyeed laga soo saaray kulanka saddexda hoggaamiye oo ka wada hadlaya sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa bishii September lagu gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”ayuu yiri Cabdinuur

Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo is bedelo ka socdaan Gobolka Geeska Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]