
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Gutters ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa ee galinkii dambe ee Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
newsinsideWar saxaafadeed uu baahiyay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxyeeladii ka dhalatay qaraxa,waxaana lagu xaqiijiyay qoraalka in weerarka iyo kuwa la midka ah aysan saameyn ku yeelan doonin howlaha ay Qaramada Midoobay ku taageerayaan Soomaaliya.
"Qaramada Midoobay waxay sii wadi doonta joogteynta taageerrada ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, weerarka waxaa cambaareeyay ururka iskaashiga Islaamka , dowladda Turkiga iyo dalal kale oo saaxib la ah Soomaaliya.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka oo loo adeegsaday saddex qarax oo is xigay, ku dhawaad soddon ruux ayaa la aaminsanyahay weerarka inay ku dhinteen halka boqol ruux ay ku dhaawacmeen.