4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Nin asalkiisu yahay Somalia oo weerar ka geystay dalka Australia

 

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Nin asalkiisu yahay Soomaali dhinaca kalana la aaminsan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish ayaa lagu waramayaa in uu geystay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Melporn ee dalkaasi Australia.

Saraakiisha amniga ayaa ninkan weerarka geystay magaciisa ku sheegay  Xassan Khalifa Shire oo 30 sano jir ah in uu midi uu watay uu ku waxyeeleeyay ilaa 4 ruux oo taagnaa hareeraha wado ku taallo bartamaha magaalada Melporn ee dalkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu damacsanaa in gaari uu ka soo buuxiyay gaas iyo dhalooyin in uu qarxiyo balse Boolisku ay ka hortageen intaanu falkaasi geysan oo ay toogteyn booliska.

Sarkaal ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay in Ninkaani Paspporka dalkaasi lagla noqday sanadkii 2015 kaddib markii ay fahmeyn in si uun uu u taageero kooxda Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]