4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Dhakhtaar Itoobiyaan ah oo adeeg caafimaad ka fulinaya dalalka Itoobiya iyo Eritrea

 

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – 172 dhakhaatiir caafimaad ayaa Jaamacadda Baahir Dar ee dalka Itoobiya ka qelinjebiyey munaasabadda qelin jebinta oo ay ka qaybgaleen R'isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eretrea Isaayaas Afwarqi.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo munaasabadda qelin jebinta khudbad ka soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay ardayda dalkooda iyo dadkooda soo waxbaray inay si daacadnima ah ugu adeegaan.

Ardayda dhakhtarnimada maanta ka qelinjebisayna waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri iney adeeg caafimaad oo bilaash ah ay ka soo bixiyaan waddamada aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Eretrea.

Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiyana waxay sheegtay iney diyaarineyso qorshihi u sahli lahaa dhakhaatiirta maanta ka qelin jebisay jaamacadda Bahir sidi ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ay uga soo bixin lahyeen Soomaaliya iyo Eretrea.

Tallaabbadaasi oo qayb ah sii xoojinta isdhexgalka seddexda dal ee deriska ah ayna u gaaraan midnimo dhaqaale oo isku soo dhaweeynaya shucuubta dalalkaasi.

Waxay sida oo oo kale seddexda hoggaamiye ee Itoobiya, Eretrea iyo Soomaaliya ay xarigga ka jareen Isbitaalka Tibebe-Giyoon Specialized Hospital oo laga dhisay magaalada Bahir Dar.

Ra'isal wasaare Dr Abiy axmed oo uga mahadceliyey shacabka iyo maamulka deegaanka Amxaarada sida ay u soo dhaweeyeen Madaxda Martida noo ah ee Soomaaliya iyo Eretrea, wuxuu sida oo kale sheegay Wabiga Tana iney Itoobiya, Suudaan ama Masar oo keli ah lahayn balse uu yahay hanti waddamada Afrika oo dhan ka dhexeeya.

Magaalada dalxiiska ee hareeraha wabiga laga dhisayo oo aan dhismaheedu anaga billaabeyno ubadkeennana ay dhammeystiri doonaan wuxuu mustaqbalka noqon doonaa ayuu yiri kheyraad dhinaca dalxiiska oo dalka dakhli badan uga soo xaroodo.

Xigasho : BBC