4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Munaasabad loo qabtay 23 Ardey ka qalinjabisay Master-ka caafimaadka bulshada


Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Dufcadihii 3aad, 4aad iyo 5aad ayaa dhameystay Waxbarashada taqasuska Caafimaadka Bulshada (Master of Puplic Health) ee Jaamacadda Benadir, iyadoo Munaasabad arrintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Benadir, xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somalia, aqoonyahano, arday iyo marti sharaf kale.

Aqoonyahannada dhameystay qeybta Masterka Caafimaadka bulshada ayaa ka koobnaa 23 arday oo isugu jiray hablo iyo wiilal, waxayna sidoo kale difaacdeen buugga qelin jebinta, iyagoo Munaasabadan ku soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan ay ka soo sameeyeen xaaladaha Caafimaad ee ka jira qeybo ka mid ah dalka kuwaasoo si cilmiyeysan loo soo diyaariyey.

Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo ah xiriiriyaha qeybta waxbarashada ee Master of Postgradute-ka Jaamacada Banaadir oo ka hadlay munaasabadan ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay qeybta waxbarashada heerka labaad.

“Tayada sare iyo habka quruxda badan ee loo soo diyaariyey cilmi baarisyada halkan laga jeediyey ayaa aad ii soo jiitay, waxaad leedihiin mustaqbal aad u fiican dedaalkiina halkaas ka sii wada” ayuu yiri Dr. Tahliil Cabdi Afrax.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney yihiin qeybtii labaad ee ka qelin jebiya taqasuska Caafimaadka bulshada taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay qeybta waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir (Master) ay ka qelin jebiyeen dufcadihii

3aad, 4aad iyo 5aad ee dhameysta taqasuska Caafimaadka bulshada kuwaasoo ka kooban illaa 23 arday,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dr. Dalmar ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay taqasuska caafimaadka bulshada iyo kaalinta uu kaga jiro horumarinta Caafimaadka guud.

“Dhaqaatiirta ku taqasusay Caafimaadka bulshada mar walba dhibaatooyinka caafimaad xumo ee jira wey kaga xog ogaalsan yihiin dhaqaatiirta kale Maxaa yeelay dadka ayey ku dhex jiraan, waana dhaqaatiir ay baahi weyn u qabaan dadkeena” ayuu yiri Dr. Dalmar oo kula dardaarmay ardayda qelin jebisay in aqoonta ay barteen ay wax ugu qabtaan bulshadooda, siina xoojiyaan.

Xafladan oo ku soo gebagebowday jawi aad u farxad badan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Mr. Ibrahim Mohamed Nur, Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Prof.

Mohamed Mohamud Fuje, Prof. Ahmed Yusuf Guled iyo qaar ka mid ah ardayda qelin jebisay oo u mahadceliyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo juhdi badan ku bixiyey sidii ay u soo gaari lahaayeen heerka ay maanta joogaan.

Bishii July sanadkii hore ee 2017 ayey aheyd markii dufcadihii 1aad iyo 2aad oo ka koobnaa 17 aqoonyahan ay ka qelin jebiyeen Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda Benadir gaar ahaan taqasuska Caafimaadka bulshada ( (Master of Public Health).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]