4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Inta badan dowladdaha Muslimka oo isku raacay in Ramadaanku bilaabanayo maalinta Khamiista ah

 

Talaado, May, 15, 2018 (HOL)– Inta badan wadamada Muslimka ah oo ay ku jiraan Sacudiga iyo Indonesia ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo Barri ku beegan la buuxin doono 30ka bisha Shacbaan.

Dowladaha warka soo saaray ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17ka bishan May uu ka bilaabanayo Ramadaan.

Waxaa ka mid ah dowladdaha isku raacay go’aankan Saudi Arabia, Indonesia, Jordan, Ciraaq, Malaysia,Bahrain, Lebanon iyo dowladdo kale.

Sidoo kale qaar ka mid ah Ururrada  islaamiga ee ka dhisan dalalka aan Muslimka aheyn ayaa iyaguna war ay soo saareen ku sheegay in maalinta Khamiista ah ay ka bilaabaneyso bisha Ramadaan.

Soomaaliya siweyn looma hadal hayo warka ku saabsan Ramadaanka iyaga oo goor horeba sii qorsheystay in ay buuxiyaan 30ka bisha Shacbaan, taasoo macneedu yahay in ay Soomaaliyana ku raacsan tahay wadamada kale ee Muslimka bilishada bisha Ramadaan 17ka bishan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]