4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Faah faahin ku saabsan dagaalka Tuka-Raq

 

Talaado, May, 15, 2018 (HOL) - Dagaal xoogan oo illaa saakay ka soconayey dulleedka Tukaraq ayaa haatan qaboobey waloow ay jiraan rasaas maqalkeeda degaanada ugu dhow laga maqlayo.

Dagaalkan oo ah kii ugu cuslaa ee laba ciidan dhexmara ayaa khasaare xoogan uu soo gaadhey labada dhinac iyadoo dhimashada ciidanku ay aad u badan tahay, dhaawacuna uu ka muuqdo goobaha caafimaad ee labada dhinac.

Maamulka Puntland war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa waxa ay ku sheegeen in maamulka Somaliland duulaanka ku soo qaaday, halka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sidoo kale ku eedeeyey in Puntland ku soo duushey guulna ay ka soo hooyeen ciidamadoodu.

Ma jiraan dad dhexdhexaad ah oo ku sugan halka dagaalku ka dhacayo, waxase qasaaraha labada dhinac la sheegayaa in uu yahay mid aad u badan, iyadoo gaadiid la kala qabsaday qaarna la gubey labada dhinacba.

Dhinaca Puntland waxa ay sheegteen in ay qabsadeen sadex gaadhi oo mid ka mid ah uu Beebee yahay, waxaase dad ku sugan tuulada God-qaboobe ay ii sheegeen in ay arkeen Beebeega xili hore oo maanta ah.

Dhinaca Somaliland waxa ay sheegteen 4 gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo Kaare ku jiro walow ay Kaaraha beeniyeen dhinaca Puntland, dad reerguuraa ah waxa sheegeen in xili ay meeshaas ka cararayeen ay arkayeen Kaare ku jira meel god ah dagaal culusina ka socdey cid uu raacayna inaanay xaqiijin karin ayay sheegeen.

Dagaalka Tukaraq ayaa u muuqda mid haatan bilaabmay iyadoo awooda ciidan ee halkaas isku horfadhida ay tahay mid aan labada dhinac waxba reeban keeni karana baaba ka soo kabashadiisu adkaan doonto.

Wixii ka soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa iyadoo wararku ay sheegayaan in dagaalku uu ku soo ururay magaalada Tukaraq iyo hareereheeda.

Seynab Cabdi Warsame

Laascaanood g. Sool

[email protected]