Talaado, May, 15, 2018 (HOL) - Madaxweynaha
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka walaacsanyahay dagaalka saakay kasoo
cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho
iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqayaa madaxda,
Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo
Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.
“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba
xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”
“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud
la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wada-hadalka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sidoo kale,
baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex
martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Madaxweynahu waxaa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo
qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga
baryayaa in uu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]