4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Somaliland oo looga dabaal-degay 18ka May


Talaado, May, 15, 2018 (HOL)–Guud ahaa  gobollada Somaliland  waxaa si weyn loogu dabaaldegay gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo laga soo hormariyay waqtigii caadiga ahaa la dhigi jiray bilasha bisha Ramadaan awgeed.

Magaalooyinka waaweyn ayaa dad-weynuhu iskugu soo baxeen garoomada waaweyn ee khayridda, waxaana jidka marayey Ciidamo iyo Shacab ku labisan calanka Somaliland oo gaardis ku marayey dadweynaha hortoodda.

Ururadda bulshada iyo ardayda ayaan ka maqnayn gaardiska oo koox waliba waxay ka shaqayso muujinaysay.

Goobta ciidanku marayeen waxaa joogay madaxweyne Muuse Biixi, madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, madaxweynaha Khatuumo Cali Khaliif Galayr, shir-gudoonka guurtidda iyo wakiiladda, safiirka Itoobiya u jooga Hargeysa, wefti ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wakiilka Jabuuti u jooga Somaliland iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale, waxaa la joojiyey isku socodkii gaadiidka oo wixii saakay lixdii ka dambeeyey lama ogolayn in magaaladda dhexdeeda soo galaan gaadiidka iyo isku socodka dhexdeeda, hasse ahaatee markii xafladu dhamaatay waxa la fasaxay gaadiidka, waxana suuqyada cidhiidhi galiyey gaadiid lagu sharaxay sawirka Somaliland oo koon iyo heeso wadani sameexado ku xidhay, kuwaas oo wadooyinka waaweyn marayey.

Dhinaca kale, waxaa maanta si weyn loo hadal hayey dagaalka ka dhacay Tuko Raq, oo dadweynuhu iska waraysanayaan dagaalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.