3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Dagaal goor dib uga qarxay deegaanka Tuka –Raq ee gobolka Sool

 

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhaw uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Tuka-Raq oo bilihii ugu danbeeyayba ay ka jirtay xiisad coladeed oo u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Dad ku sugan deegaanno aan ka fogeyn halka lagu dagaalamayo ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan hub culus oo ay is waadarsanayaan ciidamada Soomaaliland iyo Puntland oo isku haya gacan ku heynta deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dib uga qarxay Tuka-Raq, hasse ahaatee dagaallo horay uga dhacay halkaa ay sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii war ah ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/15/2018 3:35 PM EST
Talaado, May, 15, 2018 (HOL)– Inta badan wadamada Muslimka ah oo ay ku jiraan Sacudiga iyo Indonesia ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo Barri ku beegan la buuxin doono 30ka bisha Shacbaan.

5/15/2018 11:29 AM EST
Talaado, May, 15, 2018 (HOL)–Guud ahaa gobollada Somaliland waxaa si weyn loogu dabaaldegay gooni isku taaga Somaliland ee 18 May, taas oo loo soo raray 15 May ka dib markii ay ku beegan tahay Ramadaan.

5/15/2018 10:17 AM EST
Talaado, May, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka walaacsanyahay dagaalka saakay kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

5/15/2018 9:14 AM EST
Talaado, May, 15, 2018 (HOL)-Dagaal xoogan oo illaa saakay ka soconayey dulleedka Tukaraq ayaa haatan qaboobey walow ay jiraan rasaas maqalkeeda degaanada ugu dhow laga maqlayo.

5/15/2018 7:06 AM EST
Talaado, May, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Tuko-raq, waxaanu ku eedeeyey Soomaaliya inay dagaalkaasi ku soo qaaday,isla markaana ay iska difaaceen.

5/15/2018 2:00 AM EST
Talaado, May. 15, 2018 (HOL)-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

5/15/2018 1:42 AM EST
Talaado, May. 15, 2018 (HOL)–Subaxnimadii hore ee saakay ayaa dagaal laysku adeegsanayo hubka waaweyn uu ka bilaawday deegaanka Tukaraq oo Laascaanood Bari uga beegan 52Km.

5/15/2018 12:21 AM EST
Talaado, May. 15, 2018 (HOL)–Dagaal markiisii hore ku bilaawday Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah laakiin markii danbe ay ku biireen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

5/15/2018 12:11 AM EST
Talaado, May. 15, 2018 (HOL)–15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada SYL ayaa lagu wadaa in munaasabado lagu weyneynaayo lagu qeybaha kala duwan ee dalka.

5/15/2018 12:02 AM EST
Talaado, May. 15, 2018 (HOL)–Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka soconaya maalintii labaad shir ay halkaa ku leeyihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka Soomaaliya.