12/10/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo digniin u diray dowladdaha iyo Shirkaddaha shisheeye


 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii saddexaad ee labada Aqal ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah, isaga oo digniin u diray dowladdaha iyo Shikaddaha Shisheeye.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday madaxbannaanida Soomaaliya ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in lagu xad gudbo midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ganacsi iyo maalgashi lagu sameyso balse ay muhiim tahay in ogolaansho looga haysto hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

“Soomaaliya waxey diyaar  u tahay maal-gashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cid kastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin Qarannimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaa ay ka faa'ideysanaayeen in aan kala qeysannahay, waxey ka faa'ideysanaayaan in aan taagdaran-nahay, laakiin walaahi Soomaali ma yaqaannaan, Soomaali waa dad qab leh, Soomaali waa dad damiir leh” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo dhinaca kale soo hadal qaaday Wada hadaladda Soomaaliland ayaa yiri''Waxaan dhawaan bilaabi doonaa Wada hadala aan la leenahay Somaliland, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ah waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka'' ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Mar uu ka hadlayay ahmiyada ay leedahay in la bixiyo canshuurta ayuu sheegay in looga kaaftoomi karo kaalmaha shisheeye iyo in dowladdu bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

“Canshuurta waxaan uga kaaftoomi karnaa kaalmada shisheeye hadii la bixiyo waxaa noo fududaaneysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada, iyo sidoo kale inan al-Shabaab ka saarno meelaha ay heystaan” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dalka.

Inkastoo khudbada madaxweynuhu aheyd mid siweyn loo wada sugayay gaar ahaan la filayay in uu ku soo qaado khilaafka ka soo cusboonaaday dhinaca Imaaraadku ayuu madaxweynuhu muuqday in uusan si toos ah arintaa u abaarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
3/10/2018 2:02 PM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha gadista.

3/10/2018 9:15 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

3/10/2018 9:03 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Koox Caafimaad ayaa u dhaqaaqa Guud agaan gobolka Sool si ay is-bedel ugu sameeyaan xanuunka Jadeecada oo waxyeelo badan ku haya guud ahaan gobolka.

3/10/2018 7:26 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Xukuumada Somaliland ayaaa sheegtay inay hakisay wada hadalkii la filayey in bishan ka bilaabmaan wadanka Jabuuti oo qorshuhu ahaa in labadda madaxweyne ku kulmaan wadankaasi.

3/10/2018 6:38 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gabi ahaanba xiray xadka uu la wadaago Soomaaliya gaar ahaan dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

3/10/2018 5:57 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa laga soo sheegayaa xaalado biyo la’aaneed oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

3/10/2018 3:32 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.

3/10/2018 1:20 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga 3-aad Labada Aqal ee Soomaliya.

3/10/2018 1:16 AM EST
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maal-mahaan wadatashiyo ku aadan sidii loo abbuuri lahaa wacyi-galin guud oo ku aadan suura galnimada u diyaar garowga qabashada geedi socodka qof Iyo Cod

3/10/2018 1:12 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerradda IFO ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sameeyeen dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeeddaan Hay’adda UNHCR.

3/10/2018 1:02 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Warka ku saabsan kulanka labada hogaamiye ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo ah mid hadal heyn weyn ka dhalisay dunida inteeda kale, ayaa waxaa soo baxaya in Mareykanku sharuud ku xirayo qabsoomida wada hadalladaas.

3/10/2018 12:52 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.

3/10/2018 12:44 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa dekedda Berbera, kaa oo muran iyo khilaaf cusub ka dhax abuuray dowladda iyo shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.