4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
kalfadhiga 3-aad ee Labada Aqal ee Soomaaliya oo maanta furmaya

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga 3-aad Labada Aqal ee Soomaliya.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Marti sharaf iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadda furitaanka ee dastuuriga ka jeedin doona munaasabadda Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Aqal.

Khubadda madaxweynaha oo siweyn loo wada sugayo ayaa la filayaa in uu ku soo hadal qaado xaalada dalka Soomaaliya iyo khilaafkii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ee ka dhashay heshiiskii dekedda Berbera.

Munaasabadda maanta ayaa noqon doonta mid furitaan kaliya, oo ay khudbado ka jeedinayaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalmo ka hor si wadajir ah ugu dhawaaqay in kalfadhiga 3aad uu furmayo 10-ka bishan oo ku beegan maanta oo Sabti ah, iyadoo loo saaray Guddi Xildhibaano labada dhinac ah oo ka shaqeeya munaasabadda furitaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo qaban qaabada Munaasabadda Furitaanka si aad ah looga dareemayo magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]