4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Maamulka degmada Afmadow oo qeylo-dhaan ka muujiyay biyo la’aan ka jirta degmadaasi


Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa laga soo sheegayaa xaalado biyo la’aaneed oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Afmadow waa magaalo ku taal galbeed gobolka J/hoose, waxa ay qiyaastii 150 km dhanka Galbeed kaga beegantahay Kismaayo, waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM.

Gudoomiyaha degmadaasi Mudane Max’ed Dhaqane Cabdi oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto degmadaasi, isagoo xusay in ay gureen inta badan ceelashii ay dadka iyo duunyadu ka cabi jireen.

“Ceelashadii intoodii badnayd waa ay gureen, ceelal yar ayaa soo haray oo aan biyo badan lahayn, maalintii oo dhan dadka feelal ayay ugu jiraan si ay uga helaan biyo ay cabaan, balse waxaa dhacda in mararka qaar laga waayo,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Bulshada ku dhaqan Afmadow ayaa isugu jira Xoolaleey iyo beeraleey, waxaana dadka ku dhaqan halkaasi ay inoo sheegeen in biyo la’aantu ay kasii dareeyso, ayna adagtahay in la helo biyo ayadoo 20-ka Litir ee biyaha la iibiyo lacag dhan 10,000 Sh. Som, oo u dhiganta Nus Doollar.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedka Jubbaland iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad deg-deg ah u fidiyaan bulshada ku dhaqan Afmadow iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.