4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Somaliland oo hakisay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u socday

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Xukuumada Somaliland ayaaa sheegtay inay hakisay wada hadalkii la filayey in bishan ka bilaabmaan wadanka Jabuuti oo qorshuhu ahaa in labadda madaxweyne ku kulmaan wadankaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa wada hadalkii u socday Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu qaban jirey Wadanka Turkiga usoo leexisay wadanka Jabuuti, waxaana la filayey in bishan aynu ku jirno labadda madaxweyne ku kulmaan Jabuuti, haseyeeshee waxa la hakiyey ka dib markii dawladda Soomaaliya ka hor timid heshiishka Dekada Berbera ee saddex geesoodka ah ee Dp World, Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray.

Madaxda sare ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa warbaahinta iska marinayey hadalo isku weerarayaan, taasina waxay keentay in wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire uu sheego in la hakiyey wada hadalkaasi la filayey inuu dalka Jabuuti ka bilaabmo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr;Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wada hadalkaasi muddo bil ah ay hakiyeen,isla markaana aanay wakhtigan suurogal ahayn in wada hadalkii dib loo bilaabmo.

“Wada hadalkaasi in aynu la galno Soomaaliya waa arrinkii Baarlamaanku ansixiyey kamaynaan noqonin, laakin wakhtigan xaadirka ah duruuf saamaxaysa inaynu wada hadalno ma jirto, marka muddo bil ah ayaanu dib u dhignay wada hadaladii,, markay bishaasi dhamaatay waynu eegayna hadba duruufta jirta in aanu la bilaabno iyo in kale.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in waraaqda ay Soomaaliya u gudbisay Jaamacadad Carabta ay iyaguna mid la mid ah oo mawqifkooda ka cadaynayaan u gudbinayaan.

“Horta waxaan laga hadlaya waa Dekadda Berbera oo Somaliland ku taalla, waxaana xukuma dastuurkeena iyo xeerarkeena, ma xukumo dawlada Soomaaliya cid inagu qabsan kartaana ma jirto, warqadaasi ay Soomaaliya qotay ee dacwadana waan ka war hayaa anna warqad kale ayaan ka daba gaynayaa oo maqwifkeena ku muujinayno, xaqiiqdu waxa weeyi Somaliland waa wadan jira oo dawlad leh.”ayuu yidhi Shire.

Somaliland ayaa ku doodaysa in Soomaaliya ka hor timid horumarinta dekadda Berbera,isla markaana ay hore ugu heshiiyeen labaddii madaxweyne ee hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh in aan la carqaladayn mashruucyada labada dhinac ku horumarinayaan deegaanadoodda, waxaanay Somaliland ku aragtaa inay heshiishkaasi Soomaaliya jabisay, taasina ay sababta u tahay in Somaliland hakiyaan wada hadaladdii dhawrka wareeg qaatay ee u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.