4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Kenya oo xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan Beled-Xaawo

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gabi ahaanba xiray xadka uu la wadaago Soomaaliya gaar ahaan dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in arintan ay ka dambeysay kaddib markii saraakiisha Amniga gobolka Waqooyi Bari u arkeen arintan mid wax ka tari karta guud ahaan nabad-galyada gobolka.

Ma jiro dhaqdhaqaaq ganacsi oo ka soconaya labada dhinac, sidoo kale waxbarashadii ayaa hakad ku jirta waxaana wararka ay sheegayaan in qaadkii ka imaan jiray Kenya uusan soo gelin gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Arintan ayaa imaneysa dhinaca kale marka la eego muran dhinaca Xudduuda ah oo wali ka taagan gobalkaasi Gedo.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dhul balaarsi waxaana ka soo horjeestay shacabka Beled-Xaawo ee gobalka Gedo.

Kenya ayaa dooneysa in ay darbi ka dhisto Xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya, madaama ay u xaal weysay weerarrada Al-Shabaab ee lagu qaadayo gudaha Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]