4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegy in ciidamada saakay gudaha u galay deegaankaas, kaddib markii ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka, iyadoo qeybaha kala duwan deegaankaas lagu arkayo ciidamo uu wajiga u xiran yahay.

Al-Shabaab ayaa ku lahaa deegaanka Gamboole saldhig iyo Maxkamad, waxaana halkaas looga yeeri jiray dadka isku heysta dacwadaha iyo sidoo kale Ganacsatada oo looga qaadayay lacagaha loogu yeero Zakawaadka.

Waxaa lagu waday in maanta deegaanka Gamboole ku kulmaan Ganacsatada Jowhar iyo Al-Shabaab oo la sheegay inay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago canshuuro ah oo laga qaadayo shixnadaha ganacsi ee ay kala yimaadaan magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda Lama oga in ciidamada ay ku sugnaanayaan deegaanka Gamboole iyo in kale, waxaana dhowr jeer jiray deegaano ay ciidamada dowladda qabsadeen oo ay dib isaga soo baxeen

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]