
Khamiis, June, 28, 2018 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa ugu danbeyntii Xabsiga ka sii deysay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka ONLF bilihii ugu danbeeyayna u xirnaa dowladda Itoobiya.
Qalbi Dhagax oo wareysi kooban Warbaahinta siiyay ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, islamarkaana muddadii uu xirnaa uu heystay Raadiye iyo Internet sida uu hadalka u dhigay oo uu la socday wax ka dhacaya caalamka, sawirro laga soo qaaday ayaa la arkayay isaga oo xiran dharka Suutka ah islamarkaana dhoola-cadeynaya.
Bishii Agosto ee sanadkii 2017 ayeey aheyd markii sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ka soo qabteen magaalada Gaalkacyo, wixii xiligaa ka danbeeyayna dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay dowladda Itoobiya, iyadoo taallaabadaa kala kulantay caqabado siyaasadeed, iyadoo lagu cambaareeyay dhiibista Qalbi-Dhagax.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya wali kama aysan hadal warka ku saabsan sii deynta Cabdikariin Muuse QalbiDhagax.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]