Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) - Guddoomiyaha
Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa kula kulmay magaalada
Nairobi ee dalka Kenye dhiggiisa golahaa Senate-ka Kenya Kennedy
Lusaka.
Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay dowladda
Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii
adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay
leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa
Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin
Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin
Cabdullahi, Eric Ogolo, madaxda Hab-maamuuska Senateka Kenya iyo
mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa guddoonka Aqalka
Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ah in ay booqasho ku yimaadaan Soomaaliya,
arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy
Lusaka.
Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac
oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]