4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Qof hubeysan oo Gabar Wariye ah ku dhaawacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, June, 28, 2018 (HOL) – Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Debka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof hubeysan uu goor dhaw ku dhaawacay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.

Gabadha la dhaawacay ayaa la sheegay in ay ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda, waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay ka haleeshay Caloosha iyo Lugta.

Lama oga sababtay keentay toogashada uu qofkan hubeysan u geystay gabadha wariyaha ah, hasse ahaatee goob joogayaasha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhaxmaray muran kaddib-na sidaa uu rasaasta ku furay.

Ururada saxaafadda u dooda ayaa durba cambaareeyay falkan, waxayna hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in falkan ay baaris dheeraad ah ku sameeyaan, si isla xisaabtan uu u dhaco.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]