4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Dowladda Soomaaliya oo dhaxdhaxaadineysa madaxda Galmudug

 

Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)–Iyadoo bilihii uu danbeeyay uu taagnaa khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug, ayeey hadda ku howlan tahay dowladda Soomaaliya sidii loo dhameyn lahaa is-mar-waaga siyaasadeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, iyada oo shalay gelinkii dambe ay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada iyo kulamada madaxweynaha uu la yeeshay madaxda Galmudug ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday mas’uuliyiinta maamulka in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira.

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho si uu ugu biro wada hadallada socda.

Madaxda Galmudug ayaa hadda ku kala shaqeeya magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado, madaxweynaha iyo madaxda xukuumadda ayeey xaruntooda tahay degmada Dhuusa-mareeb, halka madaxweyne ku-xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku shaqeeyaan degmada Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]