4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
15 qof oo ku dhimatay dab-qabsaday suuq ku yaalla magaalada Nairobi

 

Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo ka badan 50 qofna waa ay ku dhaawacmeen dab-qabsaday suuq ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dabka ayaa xilli dambe oo xalay ah qabsaday suuqa Gikomba oo ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo badeecooyinka celiska ah ee la soo isticmaalay sida dharka, wuxuu ku dhowyahay xaafadda ay Soomaalidu u badantahay ee Islii.

Illaa hadda lama xaqiijin waxa dhaliyay dabka, waxaase dad goobjoogayaal ah iyo saraakiisha caafimaadka ay sheegeen khasaaraha dhimasho iyo dhaawac inay siyaadey markii ganacsatada ay isku-dayeen dabka inay kala baxsadaan hantida.

Iman Jama
Nairobi,Kenya