4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Weerar kale oo ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood

 

Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) -Dabley hubaysan ayaa rasaas la beegsatay saldhiga ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Weerarkan ayaan la sheegin sax khasaare ah oo uu geystey sida ay dad badan u cadeeyeen Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Gobolka Sool ayaa isku raacay in dableyda weerarka geystey ay ahaayeen sadex nin oo hubaysan.

"Waxaan arkaayey sadex nin oo ordaya una socda dhinaca buurta Seyidka, waxyar ka dib goortii xooga rasaastu joogsadey, ciidankuse meel aad uga fog halka ay marayeen ayay xabado ka ridayeen" sidaa waxaa HOL u sheegay nin dhalinyaro ah oo meel goobta xoogaa u jirta.

Askari ka cudurdaartay in la sheego magiciisa ayaa yidhi " 2:55 habeenimo ayaan aragnay sadex nin oo hubaysan oo kala leexday askari ayaa isku deyey in la joojiyo balse ninkii dhinaca maray ayaa soo ridey rasaas bastoolad ka dhacaysey, kadibna labadii kale ayaa tacshiirad soo bilaabay kooban" intaa wixii ka danbeeyey waxaa bilaabmay falcelintii booliska ayuu raaciyey.

Weeraradan ka bilaabmay magaalada Laascaanood ayaa la xidhiidha colaada ka taagan magaalada Tukaraq, waxaana ay sababi kartaa in ciidamo ka baxsan booliska ay magaalada soo galaan, iyadoo maalmo uun laga joogo xiligii duulaano kale oo dhacay maamulka Puntland sheegteen.

Seynab Cabdi Warsame