Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha
Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay
madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka
saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo
taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta
Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in
ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo
soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo
Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta
Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha
dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee
duullaanka ku ah jiritaanka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta
Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka
gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta
ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta
maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye
oo waddanka dib loogu soo celiyey.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]