4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Maxkamada ciidamada 18 Askari ku riday xukun xabsi ah

 

Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun dhan min Shan Sano oo Xabsi ciidan ah ku riday 18 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Guutada 14-ka October.

Ragga la xukumay ayeey maxkamadu magacyadooda ku kala sheegtay Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Maxamed Xasan, Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Maxamu’ud, C/shakuur Maxamed Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige, C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne, Maxamed Axmed Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Maxamuud Gurxan Cali, Axmed Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Maxamed Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf Jaamac.

Askartan ayeey ku cadaatay in ay galeen danbi isugu jiray abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta rabshado ciidamada dhexdooda ah, waxaa ayna si isku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad.

Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli Ramadaan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii isgoyska Zoobe oo loogu magac daray 14-ka October.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]