3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Dowladda Turkiga oo qaaday xaaladii deg dega aheyd ee saarneyd dalka

 

Khamiis,  July, 19, 2018 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee uu waddanku ku jiray, oo labo sano ka hor dalka la saaray kaddib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay. 

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

Laakiin dowladda ayaa go’aansatay hadda in gabi ahaanba la qaado xaaladda degdegga aheyd ee dalka saarneyd.

Go'aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad uun ka soo wareegtay guushii doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada wax-yaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan in ay xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/19/2018 10:14 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Africa (COMESA) ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.

7/19/2018 8:03 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

7/19/2018 7:53 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun dhan min Shan Sano oo Xabsi ciidan ah ku riday 18 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Guutada 14-ka October.

7/19/2018 4:57 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Itoobiya ayaa safiir u magacaawday Labaatan Sano kaddib safiir cusub magaalada Asmara kaddib markii la soo afjaray colaadii ka dhalatay muranka xudduuda ee muddo dheer-ba ka dhax taagneyd labada Wadan.

7/19/2018 4:39 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Kooxaha Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiran ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay ku qaadeen tuulada Al-Qadam oo ka tirsan degmada Atma oo galbeed ka xigta gobolka Dhamar in ay ku afduubteen ilaa 55 qof oo ay ku jiraan carruur da’doodu ka yartahay 12.

7/19/2018 3:29 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdi Wali Cali Gaas ayaa isaga jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa uu ku dhaliilay dowladda Soomaaliya habka ay u wajaheyso wadahaallada Somaliland.

7/19/2018 2:19 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfur Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ka kaxeysteen deegaanno hoostaga gobolka Afar ruux oo ay ka mid ahaayeen Odayaal.

7/19/2018 1:39 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.

7/19/2018 12:37 AM EST
Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Ciidamada la dagaalanka hubka iyo burcada dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay oo xiray Lix dhalinyaro Soomali ay ka mid ahaayeen kuwaa oo loo shakiyay in ay heysteen hub sharci darro ah.