4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Kooxaha xuutiyiinta Yemen oo afduubtay ilaa 55 qof oo shacab ah


Khamiis, July, 19, 2018 (HOL)–Kooxaha Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiran ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay ku qaadeen tuulada Al-Qadam oo ka tirsan degmada Atma oo galbeed ka xigta gobolka Dhamar in ay ku afduubteen ilaa 55 qof oo ay ku jiraan carruur da’doodu ka yartahay 12.

Dadka ay afduubteen ayay u dhaadhiciyeen xabsi ay maamulaan xuutiyiinta oo aan la garanayn halka uu ku yaal, sida laga soo xigto ilo wareedyo.

Shacabka deegaanka Catma ayaa sheegay in aysan ogeyn halka ay ku suganyihiin carruurtooda iyo dadkii kala ee la afduubtay, ayagoo walaac ka muujiyay xaaladda ay ku suganyihiin ehelladooda la afduubtay.

Catma ayaa waxaa ka jiray xiisado dagaal tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada ka socda galbeedka dhanka xeebaha ee gobolka Xudeeydah.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay oo looga soo horjeedo xuutiyiinta oo uu hogaaminayay Sheekh C/wahaab Mucawadah, ayaa kasoo bilowday deegaanka Catma sanaddii 2015, Mucawadah ayaa dib uga biiray dowladda caalamku aqoonsanyahay ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Mucawadah, xarigga dadkan ayaa yimid kadib markii  shacabka deegaanku ay diideen codsi uga yimid Xuutiyiinta oo ahaa in ay kamid noqdaan kooxdaasi.

Diidmadooda ayuu sheegay in ay keentay in kooxaha Xuutiyiintu ay halkaasi geeyaan ciidamadooda, si ay qasab carruurta ugu qafaashaan si ay ugu biiraan kooxdaasi.

Mucawadah oo la hadlay Jariiradda Asharqul Awsat ayaa sheegay in kooxahan ay afduubteen 55-ta qof, ayna gubeen ilaa sedex guri, dhul beereedyo iyo hanti gaar loo leeyahyna ay bililiqeysteen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.