4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Dowladda Turkiga oo diiday sii deynta muwaadin Mareykan ah

 

Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.

Ninkan oo ah wadaad ka tirsan kaniisadaha Mareykanka ayaa xakunkiisani kusoo beegmayaa xilli ay dowladda Mareykanka dadaal ugu jirto in lasoo daayo wadaadkani.

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO.

Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan.

Waa marki saddexaad oo ay maxkamaddani diideyso codsi ah in xorriyadiisa uu dib u helo wadaadkani.

Xigashada Warkan VOA