Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Itoobiya ayaa safiir u magacaawday Labaatan Sano kaddib safiir cusub magaalada Asmara kaddib markii la soo afjaray colaadii ka dhalatay muranka xudduuda ee muddo dheer-ba ka dhax taagneyd labada Wadan.
Itoobiya ayaa u magacaawday Redwan Hussien safiirkii hore ee Ireland in uu noqdo safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Eritrea.
Tan iyo wixii ka danbeeyay 9kii bishan oo labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiiska nabadeed waxaa xoogeysanayay dib u soo celinta diblumaasiyadii labada dal, iyadoo dhawaan Eritrea ay dib boorka uga jaftay safaaradeedii Addis Ababa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]