4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Al-shabaab oo Odayaal ka qafaashay deegaanno hoostaga gobolka Gedo

 

Khamiis,  July, 19, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfur Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ka kaxeys-teen deegaanno hoostaga gobolka Afar ruux oo ay ka mid ahaayeen  Odayaal.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Max’uud oo Hiiraan Online wax ka weydiisay xogta arintan ku saabsan ayaa sheegay in dadka la qafaashay shaqo ku laheyn maamul iyo dowlad mid-na laakiin ahaayeen oo kaliya odayaal sida uu hadalka u dhigay u maleynayo in xarigooda uu salka ku hayo dacwad iyo dad iyagu is heysta.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Labo Wiil oo ka mid ahaa dadka la qafaashay la sii daayay, hasse ahaatee wali  Labo oday ku jiraan gacanta Al-shabaab.

Balse dhinaca kale marka la eego waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Afarta ruux ee Al-shabaab qafaasheen ahaayeen Labo ka mid ah ahaayeen guddoomiyayaal deegaan kuwaa oo magac-yadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Koosoow Maxamed iyo Axmed Cumar.

Wali ma jiro dhinaca Al-shabaab wax war ah oo ay arintan ka soo saareen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]