4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Hay’adda TIKA dib u habeyn iyo qalabeyn ku sameysay xarunta ururka shaqaalaha ee FESTU


Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Dowlada Turkiga ayaa shalay ku wareejisay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU dhismaha ururka oo qalabeysan ka soo hay’ada dowlada Turkiga u qaabilsan dhinaca horumarinta ee loo yaqaano TIKA ay ka fulisay dalka. 

Ururka FESTU oo taageero ka helaya ururka shaqaalaha dalka Turkiga ee HAK-IS aya waxaa qalabeyn buuxda loogu sameeyay xafiisyada xarunta FESTU iyo goobaha ay ku shirayaan madaxda iyo xubnaha ururarada shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku mideysan daladda FESTU.

Safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo ka qeyb galay xafladii furitaanka ee xarunta FESTU ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay ka taageerto FESTU dhinaca awoodsiinta si loo helo urur shaqaale oo ka tarjumaya danaha iyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Danjire Olgan Bekar ayaa bogaadiyay wada shaqeynta guusha kusoo dhamaatay ee ka dhaxeyso TIKA iyo FESTU taasoo sababtay in si dhaqso ah oo guul ah loo fuliyo mashruucan. Safiirka ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ku dadaaleyso in ay xoojiso wada shaqeynta ka dhaxeyso FESTU iyo ururka shaqaalaha Turkiga.

Xoghayaha Guud ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa dowlada Turkiga ugu mahadceliyay sida daacada ah ee ay u garab istaageen ururada shaqaalaha Soomaaliyeed. “Xaruntan waxay noqoneysaa goob ay ka howl galaan difaacayaasha iyo matalayaasha danaha shaqaalaha si loogu sahlo ururada shaqaalaha in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Xafladii lagu furayay xarunta cusub ee FESTU ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xiriiryaha hay’ada TIKA Galip Yilmaz oo tusaaleeyay in hay’ada TIKA ay aad ugu faraxsan tahay in ay dib u habeyn iyo qalabeyn ku sameyso xarunta ururka FESTU oo ay mataanaha yihiin ururka shaqaalaha Turkiga ee HAK-IS.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlada federaalka Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku faraxsan tahay taageerada ay u muujisay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ayna soo dhaweynayaan horumar kasta oo ay gaaraan ururada bulshada gaar ahaan ururada shaqaalaha.

Ururka shaqaalaha Turkiga ee HAK-IS iyo FESTU ayaa ah laba urur mataana ah oo ka wada tirsan ururka caalamiga ah ee ururada shaqaalaha Adduunka ee ITUC, waxaana ay in badan ka wada shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa danaha ururada shaqaalaha ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo kan ururada shaqaalaha ee Afrika.

FESTU oo ka mid bahda sedax geesoodka ee Hay’adda shaqada adduunka ee ILO ayaa ah dalad ay ku mideysan yihiin 12 urur shaqaale oo ka dhisan dalka gudahiisa kuwaas oo u taagan u hiilinta iyo difacitaanka xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta danaha ururada shaqaalaha Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]