3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyayaal Maxkammadeed

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka .

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaannuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhib-laawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/14/2018 1:48 PM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)–Dowlada Turkiga ayaa shalay ku wareejisay Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU dhismaha ururka oo qalabeysan kasoo hay’ada dowlada Turkiga u qaabilsan dhinaca horumarinta ee loo yaqaano TIKA ay ka fulisay dalka.

7/14/2018 11:59 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

7/14/2018 10:47 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) –Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Hargeysa ku casuumi doonno Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo dhowaan laga soo daayey xabsiga Itoobiya.

7/14/2018 7:57 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah oo kuwaa oo durnimadii maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta Nabada.

7/14/2018 5:55 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo is xigay oo goor dhaw ka dhacay beer Nabada oo aan ka fogeyn Isoyska SYL ee magaalada Muqdisho.

7/14/2018 4:47 AM EST
Ardaygii ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartankii Quranka Dubai iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban siddeed qof oo ka soo kicitimay dalka Mareyknka ayaa lagu casumay madaxtooyada soomaliya habeenkii xalay iyaga oo la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaaajo iyo wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

7/14/2018 3:14 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho Taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.

7/14/2018 2:52 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in ay maanta u anbabaxaan magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka.

7/14/2018 1:22 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)–Doon sida ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran tahay xeebaha dalka Talyaaniga sidda ay shaaciyeen hay’addaha u dooda xuquuqda Muhaajiriinta.

7/14/2018 1:13 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada isaga oo dhinaca kalana magacaabay Safiiro dhowr ah.

7/14/2018 12:52 AM EST
Sabti, Luuliyo 14, (HOL) - Kaddib waraysi lala yeeshay ilo ku sugan Jabuuti iyo Soomaaliya, Wargeyska “ the Indian Ocean Newsletter” waxa uu isku keenay xog toosh ku ifinaysa halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado hub marin kiisu yahay waddanka Jabuuti.

7/14/2018 12:39 AM EST
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga dalka Britain ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britian Theresa May waxana shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen uu ku sheegay Madaxeyne Trump in uu taageersan yahay xukuumada May isagoo beeniyay war uu daabacay wargeyska The Sun.