
Sabti, July, 14,
2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo
wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in ay maanta u anbabaxaan magaalada Brussels
ee dalka Belgium –ka.
Shir looga hadlayo
looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 16ka bishan oo ku beegan Isniinta
ina soo aadan uu halkaa ka furmo, waxaana shirkaa ka soo qeybgali doona wafuud
heer caalami ah.
Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa looga
hadli doonaa mustaqbalka Soomaaliya, taageerada Beesha Caalamka iyo
qorshayaasha soo socda ee la qabanayo.
Qodobadda Shirkaan diiradda lagu saari doona
waxaa ka mid ah ammaanka, dhaqaalaha iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]