Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka
Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho Taariikhi ah oo qaadan doonta 3
cisho.
Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka
diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,
waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.
Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis
Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada
dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex
maray xuduuda u dhaxeysa.
Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa
weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu
qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka
Ra’iisul wasaaraha.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]