4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Farmaajo oo marti qaaday arday Soomaali-Mareykanka ah oo ku guuleystay Tartankii Quraanka ee Dubai

Sabti July 14, 2018 (HOL)-Ardaygii ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartankii Quranka Dubai iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban Todabbo qof oo ka soo kicitimay dalka Mareyknka ayaa lagu casumay madaxtooyada Soomaliya habeenkii xalay iyaga oo ahaa kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaaajo iyo wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.  

Ahmed Burhan Mohamed safarka waxaa ku wehiliya aabihiis Burhan Mohamed Elmi oo ku magacdheer Qoorsheel, macallin Abdinsir Mohamud Farah Jigre oo ah macallinka quraanka soo baray Ahmed, macallin Mohamed Abdullahi Hambase oo ka mid ah hawlwadeenada sare ee masjidka Abubakar As-saddiiq. 



Waftigaan ayaa madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo uu u soo dhaweeyay si diirran oo qaddarini ay ka muuqato. “Kulankiina waan ku faraxsanahay”, Md Farmaajo ayaa yidhi. “Axmed, guushaan aad soo hoysay waxay magac iyo sharafba u tahay guud ahaan Soomaaliya”.

Arrintaan ayaa muujinaysa karaameynta iyo taageerada madaxweynuhu uu u hayo Quraanka Kariimka, culumaa-u-diinka, waalidiinta iyo sidoo kale ardada Soomaaliyeed ee ku hawlan xifdinta Quraanka. Sidoo kale, casha sharaftan xalay waxaa lagu casumay culumaa-u-diinta magaalada Muqdisho. Waxaana ka mid ahaa: Dr. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Axmed Maxamed Suleymaan, Nuur Baaruud Gurxan, Sh. Cabdulqadir Soomoow iyo Sh. Cali Maxamed Xuseen (Cali Wajiis) oo ah la taliyaha arrimahaha diinta ee madaxweynaha. Intaasi kuma eka, ee soo dhaweyntani waxa ay direysaa farriin kale.

Ardayda xaafidiinta ah ee Soomaliyeed oo ku kala nool daafaha dunida ayaa sanad walba fursad u hela in ay matalaan dawlado badan oo kala duwan una badan dawladaha reer galbeedka iyo caalamka koobaad. Goorta tartamada ay ka qayb qaadanayaanna waxaa hortooda suran calanka dawladda markaasi ay matalayaan. Taasoo dawladahaasi u ah sharaf uguna filan faan.

Soo hindisidda iyo fulinta casumidda waftigaan Quraanka ayaa ah mid ku abuuraysa farxad, yididiilo iyo dardar hor leh ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada taxfiidka Quraanka meel walba oo ay dunida ka joogaan. Kulankan oo si habsami ah u dhacay ayaa waxaa agaasimay xafiiska war faafinta iyo xiriirka warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane AbdiNur Mohamed Ahmed.

Ardaygan Ahmed Burhan oo asal ahaan ka soo jeeda Soomalia ayaa isla markaana ah muwaadin Mareykan ah. Goortii lagu dhawaaqay in uu guulaystay Ahmed ayaa safaaradda mareykanka ee dalka Isu-tagga carabta markiiba ku soo qortay boggageeda baraha bulshada dhammaan. Dalka Mareykanka oo caan ku ah in uu ku guulaysto kaalimaha hore ee ciyaaraha caalamka, ayaa markii ugu horreysay taariikhda abid ku guuleystay kaalinta koobaad ee tartanka Quraanka. Ahmed waxa uu u soo hoyiyay guul weyn labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya. Waxa uuna ka guuleystay 1o4 arday oo dhamaantoodba dadaal ugu jiray sidii ay dalkooda ugu sii hoyin lahaayeen guushaas. Si kastaba, Ahmed ayaa muujiyay wacdaro barayna caalamka carabta cashar lama iloobaan ah goor uu la sii laafyooday koobkii guusha iyo lacag dhan $68,000. Balse, yididiiladiisa intaasi kuma eke ee hami kale oo weyn ayuu markale hiigsanayaa.

Ugu danbeyn, ardaygaan oo 17 jir ah ayaa qorshaynaya in uu ka qayb galo tartanka Quraanka ee ay ku tartamaan xidigaha dhammaan horay ugu soo guuleystay kaalinta koobaad ee lagu qaban doono dalka Qatar sanadka 2020-ka, shakhsiga gala kaalinta koobaad tartankaas waxaa la gudoonsiin doono koob iyo lacag dhan nus malyuun dollerka mareykanka ah, idinka Alle. “Waxaan u diraay garoobayaa in aan ka qayb qaato tartanka xufaadda horay u guuleystay ay ku galaan dalka Qadar”. Ahmed ayaa yidhi. Ahmed ayaa kula dardaarmay madaxweynaha, in ilmaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay jecelyihiin in ay soomaaliya imaadaan haddii amniga si fiican looga shaqeeyo.

 

Mohamud Dulyadeyn

Muqdisho, Soomaaliya

Twitter: @Dulyadeyn

Sawirada Siyad S Salah