4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Khadka Dahsoon ee uu Hubku u Maro Geeska Africa

 Sabti, Luuliyo 14, (HOL)Kaddib waraysi lala yeeshay ilo ku sugan Jabuuti iyo Soomaaliya, Wargeyska “ the Indian Ocean Newsletter” waxa uu isku keenay xog toosh ku ifinaysa halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado hub marin kiisu yahay waddanka Jabuuti.  Waa hawl si xeeladaysan loo fuliyo, oo madaxda ku lug lihi, inkastoo aanay si rasmi ah u oggolaan, aanay sida muuqata, wax ka hortag ah aanay ka geeysan….

 

 

 

 Muqdisho, waa meesha koowaad ee Hubkaasi ku Dhammaado

 

Inkastoo weli uu saaran yahay cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey, Soomaaliya waxa ay inta badan ku xisaabtantaa in ay Jabuuti ka heli karto wixii hub ah ee ay u baahato. Waxa aan si khaas ah tusaale ugu soo qaadan karnaa habeynnadii 22 ka iyo 23 da June in diyaarad nooceedu ahaa, Boeung 737-4Q8 ay ka duushay Jabbuuti, iyadoo sidda xammuul ka kooban 1000 AK-47 iyo 500 oo bistooladood iyo weliba saanadoodii. Diyaaraddani waxa ay ka degtay daanta waqooyi ee gegida diyaaradaha ee u dhow xarunta ciidanka cirka ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.  Laga soo bilaabo ilaa bartamihii 2007 dii, diyaaraddan waxaa iska leh shirkadda FlyDamas oo laga leeyahay waddanka Suuriya, oo sida lugu wado laga soo kireystey shirkad Suudaan laga leeyahay oo lugu magacaabo Tarco Aviation Co. Isla diyaaraddan oo inta la og yahay ilaa dhowr goor isaga duushay Jabuuti iyo Muqdisho oo ay kamid tahay maalintii June 14 keedii iyo mar kale oo ay kasoo duushay Khartoum maalintii June 12 keedii iyo mar kale oo ay ka soo duushay Aden June 11 keedii.

 

FlyDamas oo la asaasay sannadkii 2015, milkiilaheedu waa Samer Al-Dheni.  Waxa uu Samer ahaan jirey agaasimaha guud ee Iibka ee shirkadda Cham Wings Airlines oo horay uu Maraykanku xayiraad u saaray kaddib markii la ogaaday in ay hub iyo ciidamo u daabbuli jirtey xukuumadda Bashar Al- Assad ka Suuriya.  Xafiiska Xakamaynta Raasumaalka Shisheeye ee Maraykanka ee loo yaqaan Office of Foreign Asset Control (OFAC) ayaa aqoonsaday in Cham Wing’s Damas oo fadhigeeda Dubai  yahay ay ka qayb qaadato sidii loo fududayn lahaa raad-gadashada ama mayrista lacagaha hawlahan lugu fuliyo.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Muqdisho, maalintii 23 da June ee ay FlyDamas soo caga dhigatay, taliyaha ururka aadka u tababaran ee Alpha Group, Korneyl Axmed Adan ayaa isku dayey inuu joojiyo soo desgista hubka diyaaradda saarnaa, hayeeshee waxaa markii danbe lugu dajiyey amar kasoo baxay xafiiska Raysul Wasaaraha, Xasan Cali Khayre.  Waxaana sida la sheegay hubkaas lugu wareejiyey madaxa Sirdoonka Gobolka Banaadir (NISA) oo la yidhaahdo, Sadik Omar Hussein “John”.

 

Ku lug lahaanshaha Jabuuti…. Waxaa hawlgalkan xidhiidhsan laga soo dhiraandhirin karaa in dawaladda Jabuuti ay wax ka og tahay hawshan FlyDamas ay mariso waddankeeda. Waxaa hadda kahor Jabuuti lugu xusay warbxin Qaramada Midoobey oo kusaabsanayd ku lug lahaan shaheeda hub si dahsoon lugu galiyey Yemen.

 

Intii u dhaxaysey February and March 2013, labo shixnadood oo ay lahaayeen Abduabuh-Guhad Sale Abdo, aka Abdo Rabo ayaa lugu qabtay dekedda Jabuuti. Dacwad arrinkaas ku saabsan oo ka dhan ah Abdo Rabo, Yemeni hubka kala gooshiya ayaa laga furay Alegre oo Brazil ku taalla. Dacwadan waxaa sidoo kale ku jirey guddoomiyihii hore ee gobolka Sa’dah 2011-2014, Fares Mohammed Hassan Mana’a iyo labo nin oo horay uga ahaan jirey agaasimayaal warshad hubka lugu sanceeyo oo Brazil kutaalla Forajas Taurus Eduardo Pezzuol and Leonardo Sperry. Waxaa lugu wadaa in Forjas Taurus uu yahay ninka soo helay shahaadada iibsahada oo ahayd 80,000 oo bistooladood, oo laga soo dhammeeyey taliye sare oo Jabuutiyan ah, Zakaria Cheikh Ibrahim. Shahaadada waxaa loo soo saaray Matrix, oo ah shirkad uu ka madax yahay Abdo Rabo.  Qoraalada kale waxa ay muujinayaan magacyada Itkan Assaid Al Mahdouda ( Precise Fishing, Djibouti) oo ah shirkad ay maareeyaan Fares Mana’a iyo wiilkiisa Adeeb Mana’a , raggan oo lugu xagliyo inay taageeraan Xuutiyiinta Yemen.

 

Waxaa sidoo kale aannu helnay in agaasimihii hore ee NISA ee May 2011 ilaa March 2013, Axmed Macallim Fiqi, uu yahay nin haysta baasaboorka Jabuuti uuna si joogta ah ugu kala safri jirey Somalia, Jabuuti, Iran, Turkey iyo Lebonon.


Qoraalkaan waxaa laga tarjumay wargeyska "The Indian Ocean Newsletter"