Sabti, July, 14, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo
booqasho ku jooga dalka Britain ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britian
Theresa May waxana shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen uu ku sheegay
Madaxeyne Trump in uu taageersan yahay xukuumada May isagoo beeniyay war uu
daabacay wargeyska The Sun.
Wargeyska The Sun ayaa daabacay saacado kahor inta aysan kulmin madaxda
Maraykanka iyo Britain in uu Trump yiri “Theresa May waxa ay ku socotaa waddo
qaldan oo ah ka bixitaanka Midowga Yurub wayna diiday talooyin aan
siiyay.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa siweyn u amaanay Theresa May isagoo ku
tilmaamay in ay tahay qof qabanaysa shaqo cajiib ah.
“Waxa walba oo aad sameysid annaga waa ay nala wanaagsan tahay,waana sidaas
arrintu,Maraykanka waxa ay eegayaan sidii loo horumarin lahaa heshiisyada
ganacsi ee labada dal, kulankeenuna waa fursad weyn oo aynu ka faa’ideysan
karno.”ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Xilliga ay qabanayeen shirka jaraa’id Trump iyo May waxaa kumanaan ruux ay
dhigayaan banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Maraykanka iyadoo
wadooyinka magaalada London ay inta badan xireen dadka
banaanbaxayay.
Kaddib kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Trump Ra’iisul Wasaare Theresa May
ayaa waxa uu u safray qalcada Windsor halkaa oo uu kula kulmay Boqorad
Elizabeth.
Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii 12aad ee la kulma Boqorada 92
jirka ah waxana kulankoodu uu ka dhacay halka ay dhowaan isku guursadeen
wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir Harry iyo Meghan Markle oo ah gabar
Maraykan ah.
Madaxweyne Trump ayaa kulankaa kadib waxa uu duulay Scotland halkaa oo
uu joogayo illaa maalinta Axada inta uusan u safrin magaalada Helisinki
halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]