3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Alle ha naxariistee Garaad Cali Buraale oo ku geeriyoodey magaalada Laascaanood

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Alle ha u naxariistee Garaad Cali Buraale Xasan ayaa habeenimadii xalay ku geeriyoodey magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool

Garaadka Alle haw naxariistee ku xanuunsanayey magaalada Laascaanood dhawr jeerna arimo caafimaad dalal dhawr ah u tegey ayaa maanta eheladiisu sheegeen geeridiisa waxana ay sheegeen in la aasi doono 6da bishan.

Taariikh Nololeedka Garaadka

Wuxuu ku dhashey Meel la dhaho BAARAAN , oo ah halka ay hadda tahay magaalada Kalabaydh oo Laascaanood kaga began dhanka Koonfureed 35 Km sanadkii 1931 .

Aabihii Waxaa la odhan jira Buraale Xasan Shiil , Hooyadiina waxaa lagu garan ogaa Xooshey Geesood .

Garaadku Waxaa ay waalidkii soo barbaariyeen illa uu ka 18 jirsaday , Waxaana uu ku soo barbaaray Miyiga Koonfurta magaalada Laascaanood . Sanadkii 1950 Bishii Dicember Waxaa uu Garaad Cali Buraale Xasan uu galay waddanka Jabuuti isaga oo aan da’diisu gaadhin 20 jir, waxaanu ka mid noqday ciidanka Booliska ee Faransiiskii gumaysan jirey oo uu xilal kaladuwan ka soo qabtay.

1975 Waxaa ay ku wargeliyeen Garaadka Hogaankii ugu sarreeeyey ee Ciidamada Faransiiska uu u soo bandhigay laba arimood in uu dowlada Jabuuti yeelanayso in lagu wareejiyo iyo uu hawlgab noqdo, taas oo Garaadku doortay hawlgabka.

Mudadaa ka dib Garaadka Waxaa uu ka bilaabay ganacsiyo kala duwan Magaaloyinka Muqdisho Arabsiyo iyo Hargeisa .
1986 dii Dawlada Millitary ga ee Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsiisay abaal marin Billad Maar ah oo lagu guddoonsiiyey guulo uu ka gaadhay ganacsigiisa iyo waliba u hogaansan sharciyo ganacsiyeed oo ay dawlada Soomaaliyeed ee xilligaasi soo rogtay isla markaana ku abaal marisay siduu u uga soo baxay Fulinta Sharciyadaasi.

1999 July 29 Waxaa ay Beesha uu ka dashey Garaad Cali Buraale Xasan (Cabdi Garaad ) ay u boqratay inuu u noqdao Isimka ay ka amar qaadato Beesha , Waxaana lagu caano shubay Magaalada Dharkayn-Geenyo oo ku taalla koonfurta gobolka Sool.

Garaadku Wuxuu uu guursaday Shan Xaas , oo midi ay kala tageen , Waxaa uu Alle ku arsaaqay Garaadka 35 Caruur marka laga reebo inta dhimata kuwaa oo isugu jira Wiilal iyo Hablo , (14 Wiilal & 21 Waa Hablo) .

Taranta Garaad Cali Buraale Xasan marka la isku daro Caruurtiisa iyo Waxa ay sii dhaleen waxaa ay ka badan yihiin 100 Caruur ah .

C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur oo ka mid ahaa Dadkii ay mudada dheer wada noolaayeen oo ka hadlaya Garaadka ayaa yidhi :

‘Waxaa uu ahaa addoon Alle , Cibaado badan , Naxariis badan , Xarago badan deeqsi ah , Hawlkar ah , Xishood badan iyo waliba Nabadoon ka shaqeeya heshiisiinta Beelaha Waxaa kaloo uu ku caan baxay Samafalka Waalidkii iyadoo xilliyadii uu ka shaqayn Jirey Jabuuti uu sanadkii hal bil uu fasaxa ugu Imaan jiray Waalidkii , oo ku noolaa magaaloyinka Laascaanood Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn , Waxaana uu ugu lugayn jiray Buuhoodle iyo Burco Maadaam xilligaasi aaney jiray gaadiid lagu safro ‘

.
Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool













Click here
2/3/2018 12:56 PM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Taabit Cabdi Maxamed ayaa loo aqoonsaday inuu yahay duqii magaalo ee ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii la soo dhaafay, iyadoo abaal-marintan loogu talo galay in lagu qiimeeyo waxqabadka madaxda caasimadda qaranka iyo kuwa caasimadaha gobollada.

2/3/2018 10:46 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) – Waxaa duhurnimadii maanta lagu dhax toogtay xaruntii uu ka shaqeynayay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho.

2/3/2018 10:37 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bil ka hor gurigiisa lagu qaaday.

2/3/2018 10:21 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Waxaa xarunta Hay'adda Wabarashada SAFE ee Magaalada Muqdisho lagu qabatey munaasbad ku aadan gudoonsiinta shahaado sharaf Jaamacada Horn Of Africa, waxaana ka qayb galayey bahda Waxbarashada, mas'uuliyiin ka kala socotey Hayadda SAFE iyo Jaamacada Horn Of Africa iyo Marti Sharaf kale.

2/3/2018 10:05 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)-Sanad guuraddii 24aad ee aasaaska Ciidanka Militariga Somaliland ayaa maanta xaflad loogu dabaaldegayo loogu qabtay xarunta taliska guud ee magaaladda Hargaysa.

2/3/2018 6:27 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Ku dhawaad 150 askari oo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda 43-aad ee jubbaland ayaa waxaa magaalada kismaayo loogu soo xiray tababar socoday mudo 15 cisho ah kaa oo lagu barayay xirfadda Shiishka iyo isticmaalka hubka culus.

2/3/2018 5:48 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Go’aamaddii wax lagaga qabanayey sicir bararka waxa ku jiray qodob ah in cashuur libin laab ah lagu kordhiyo Jaadka ka yimaadda Itoobiya, taasna waxay ka biyo diiday shirkadaha Jaadka oo ka hor yimid cashuurta badan ee lagu kordhiyey.

2/3/2018 4:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Hay’adda qaxootiga ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in Muhaajiriin badan laga cabsi qabo in ay ku dhinteen badda kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Liibiya.

2/3/2018 4:05 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) -Rag hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay gaari ay la socdeen dad rayid ah dulleedka magaalada Beledweyne.

2/3/2018 12:57 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga Dimoqaraadiga ayaa uga digay madaxweyne Trump in uusan u adeegsan warqada rasmiga ah ee uu muranku ka taagan yahay "cudur daar " uu shaqada uga eryo la taliyaha gaarka ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragalintii Ruushku ku lahaa doorashada Mareykanka.

2/3/2018 12:25 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)-Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in la joojiyay , islamarkaana la mamnuucay in wax hub ah la geeyo dalka ay wali ka taagan yihiin dagaalka ee Suudaanta Koonfureed.

2/3/2018 12:17 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya aqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

2/3/2018 12:10 AM EST
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.