4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2018
Madaxweyne Biixi oo ka qaybgallay sanad guuradda 24-aad ee aasaaska Ciidanka Militariga Somaliland


Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Sanad-guuraddii 24aad ee aasaaska ciidamada  mMilitariga Somaliland ayaa maanta xaflad loogu dabaaldegayo loogu qabtay xarunta taliska guud ee magaaladda Hargaysa.

Dabaaldega ciidanka loo sameeyey waxa ka soo qaybgallay madaxweyne Muuse Biixi, hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka, madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, afar madaxweyne ku xigeeno hore soo maray, taliyeyaasha ciidamadda kala duwan, safiiradda Itoobiya iyo Jabuuti iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan loogu dabaaldegayey sanad guuradda ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka Militariga oo ku beegnayd shalay jimcihii ee bishu tahay February 2-deedda oo sanad walba la xuso, balse maalinta Fasaxa ah awgeed loogu raray maanta oo sabti ah in la xuso.

Munaasibadaasi waxa ka hadlay madaxweyne Biixi, taliyaha ciidamada Militariga iyo wasiirka Gaashaandhiga, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey taariikhda ciidanka, waxa kale oo iyaguna riwaayad iyo heeso qiiro leh ku soo bandhigay fanaaniinta Ciidanka.

Taliyaha guud ee Ciidanka Militariga Gen: Nuux Taani waxaanu ka sheekeeyey taariikhdii kala duwanaa ee ciidanku soo maray iyo marxaladihii uu ciidanku ka soo qaybqaatay ee ay ugu weynayd maamul fidinta.

“Ciidanka qaranku wuxuu qabtay sidii maamulka dawlada loo fidin lahaa loona gaadhsiin lahaa gobolada, sida aan xasuusnahay 1997-kii Burco ciidan kama shisheyn, waxaana sanadkaasi gaynay degmadda Oog oo wakhtigaasi dhawr cariish oo yaryar lahayd, wixii maalintaasi ka dambeeyey wuu sii fidiyey illa uu maanta gaadhay Tuko-raq oo marka halka aan sheegayo u jirta laba boqol oo kili mitir”ayuu yidhi Taanni.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “Ciidanku meesha uu tagaba magaalooyinka wuu kobcinayey, tuulooyinkii ay ciidanku degaan way camir mayeen wayna dhismayeen oo maanta Oog waa magaalo weyn oo hoteello leh, ciidanku wuxuu ku dadaalaya inuu xadka qaranka la gaadho wali maanu gaadhin waanuse ku dadaalaynaa, waxaana ku dadaalnay sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa waxaanu samaynay dugsiyo tobabar.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in ardaydii dugsiyadda ee ay aqoonta waxbarasho u direen ay soo barteen dhakhaatiir, injineero iyo aqoono kale oo kala duwan leh, waxaanu sheegay in ardaydaasi ay maanta macalimiin ka yihiin kuuliyadaha kala duwan ee ciidanka iyo jaamacdaha kale ee dalkaba dhigaan.

“maanta waxa dhakhaatiir noogu maqan wadamadda dibadda 11 sarkaal oo master soo diyaarinaya, sanadkan oo qudha waxaanu dibada u dirnay laba boqol oo ciidan ah oo iskugu jira kuwo soo diyaarinaya Master degree illaa askar caadi ah oo aan waxbarasho u dirnay”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay oo hambalyo u diray ciidanka iyo xaasaskooda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu ka sheekeeyey taariikhdii ciidanka Somaliland soo maray ilaa wakhtigii Ingiriiska ilaa maanta, waxaanu sheegay inuu waayo aragnimo dheer leeyihiin ciidanka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ciidanka goobahaa ay tagaan aanay xoog ku tagin ee odaynimo iyo cuqaalnimo ku tagaan oo aanay dadka is diidin, isla markaana ay dadka deegaanka kasbadaan.

“ciidanka Somaliland wuxuu tirsanayaa dhawr iyo toban sanno oo jabhad iyo halgalnimo ah oo uu dalka xoreynayey iyo dhawr iyo labaatan sanno oo dal dhis ahaa, ciidanka qaranku habeen walna muu nasan oo mar uu dalka difaaco, mar uu nabadeynta ka qaybgallo iyo mar uu sanaaduuqda doorashooyinka ilaaliyaba, marka waxaan leeyahay abaalkiina dadku way idin og yihiin”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Intaas ka dibna madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga bineeyey xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, dhismahaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo goob hurdo ay seexdaan martida ciidamada xidhiidhka la leh ee dalka timaadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland