Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Mareykanka ayaa markii
ugu horreysay ku dhawaaqay in la joojiyay , islamarkaana la mamnuucay in
wax hub ah la geeyo dalka ay wali ka taagan yihiin dagaalka ee Suudaanta
Koonfureed.
Tallaabadaan ayuu Mareykanka ku sheegay in
looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno qaadatay ee
ka taagan waddankaasi.
Mareykanka ayaa gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku booriyay inay
meelmariyaan qaraar cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu saarayo South Sudan.
Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sidoo kale walaac ka muujisay sida
hogaamiyeyaasha dalkaasi ay ugu guuldareysteen inay soo afjaraan collaada ka
taagan South Sudan.
Bishii hore ayay aheyd markii safiirka Mareykanka ee
Qaramada midoobay, Nikki Haley ay sheegtay in Mareykanka uu ka quustay
madaxweynaha South Sudan, iyadoo sidoo kale ku tilmaamtay saaxiib aan ku
habooneyn nabadda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]