4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub, Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa isku afgartay muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay ka mid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho.

Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Waxaa ay labada mas’uul isla garteen xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo in ay ka go’antahay in ay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]