4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Shirkadaha Jaadka“Sicir-bararka jira kollay qayb-baanu ka ahayn waa xaqiiq oo ma diiddanin”

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Go’aamaddii wax lagaga qabanayey sicir bararka waxa ku jiray qodob ah in cashuur libin laab ah lagu kordhiyo Jaadka ka yimaadda Itoobiya, taasna waxay ka biyo diiday shirkadaha Jaadka oo ka hor yimid cashuurta badan ee lagu kordhiyey.

Inta badan marka jaadka cashuur lagu kordhiyo waxa jaadleyaashu soo maraan jidad kale oo si kontorobaan ah ku soo galiyaan magaaladda, haseyeeshee iyadoo taas laga hortagayo ayaa waxa xukuumaddu dib u eegtay cabashadoodda, waxaanay ka dhintay qayb kamid ah cashuurtii lagu soo kordhiyey.

“in Cashuurka Qaadka la kordhiyo waanu isku ogayn marka hore, laakiin Cashuurta ay kordhiyaan Cashuur badan bay ahayd, markaa dib ayaanu uga Wada-hadalnay, markaa qaybna way naga daayeen, qaybna waanu aqbalnay..” ayuu yidhi afhayeenka shirkadaha Qaadka Xasan Weerar.

Waxaanu intaas ku daray “Cashuurta la nagu kordhiyey waxay ahayd 2,690 (Shilin SL) halkii Kiilooba, markaa 1,90 (Shilin SL) waa la naga daayey, 1,600 waanu Aqbalnay).”

Afhayeenka Qaadleyaashu wuxuu sheegay “Markii hore waanu isku dhacnay Xukuumadda, laakiin markii dambe ayaanu si wanaagsan u wada-hadalnay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, wixii aanu ka cabanaynay waa la naga daayey, markaa arrinkayagu waa heshiis, Cashuurtaa imika sare loo qaadayna waa wax aanu isla ogollahay.”

Shirkadaha Jaadku waxay si cad u cadeeyeen in sicir bararka qayb ka yihiin, waxaanu yidhi “Sicir-bararka jira kollay qayb-baanu ka ahayn waa xaqiiq oo ma diiddanin haddii aanu nahay reer Qaad-wale, laakiin waxa meesha taalla siday u fadhiisanaysaa, Waayo? Lacagta Birta innagu ma lihin, Dollar-kana innagu ma lihin, haddii Bir lagu qaatana Sicir-barar bay keenaysaa, haddii Dollar lagu qaatana Sicir-barar bay keenaysaa, markaa Qaadka oo keliya ma sababo (Sicir-bararka) ee waxyaabo badan baa sababa.”

Jaadleyaashu waxay sicir bararka ku eedeeyeen lacagta Mobiladda lagu shubto ee suuqa looga adeegto waxaanu yidhi” shan Milyan waxay habeenkii u hoydaan Zaadka, ku hadalkuna waa Saddex Milyan, markaa 8-daa Milyan baa u hoyda (Zaadka), laakiin Annaga habeenkii 3 boqol oo kun oo Dollar baa noo hoyda ama Boqol iyo labaatan, markaa eedayntu annaga uun maaha ee waxa ugu daran Malcaamadaha Qur’aanka iyo kuwa Wadaaddada ah ee Qaadka eedeeya, Ilmaha yar waxay ka qaataan 35 Dollar, Dawladduna Cashuur kama qaaddo, Laydhkaa Dollar laga qaadaa, Xoolaha Dollar baa lagu iibiyaa, wax lacagta Somaliland qaata Annaga ayaa jirna.”

Shirkadaha jaadka ayaa ku dooday in iyagu yihiin dadka kaliya ee lacagta wadanka isticmaala,isla markaana xafiisyadooda ay buuxaan lacagto oo inta badan waxay ku iibiyaan Shiling Somaliland.

Dhinaca kale, dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyey dhamaan go’aamaddii wax lagaga qabanayey sicir bararka oo dadku u arkayeen inay sabab u yihiin lacagta Mobilada lagu shubto iyo Jaadka oo habeenkii Dollarka sarifta oo u gudbiya Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.