4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu dhaxtoogtay xaruntii uu ka shaqeynayay

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) – Waxaa duhurnimadii maanta lagu dhax toogtay xaruntii uu ka shaqeynayay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarun ku taal agagaarka buundooyinka ee ay shirkada Hormuud ay leedahay waxayna rasaas ku fureen mid kamid ah shaqaalaha shirkadda oo magaciisa lagu sheegay Saleymaan.

Raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari ay wateen hase yeeshee lama oga ujeedada ka dambeysa weerarka ay ku qaadeen Laanta ay shirkada Hormuud ku lahayd Buundooyinka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee la xiriira weerarka lagu qaaday mid ka mid ah laamaha ay shirkada Hormuud ku leedahay Muqdisho.

Dhawaan ayeey aheyd markii labo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Hormuud lagu dilay Qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen dulleedka magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]