4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Hay’adda Waxbarashada SAFE oo abaalmarin guddoonsiisay Jaamacada Horn Of Africa

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Waxaa xarunta Hay'adda Wabarashada SAFE ee Magaalada Muqdisho lagu qabatey munaasbad ku aadan gudoonsiinta shahaado sharaf Jaamacada Horn Of Africa, waxaana ka qayb galayey bahda Waxbarashada, mas'uuliyiin ka kala socotey Hayadda SAFE iyo Jaamacada Horn Of Africa iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyntii intaan Shahaada la Gudoonsiin Jaamacada Horn Of Africa waxaa halkaa ka hadley Keyse Mayow Aw Xuseen oo ah Agaasimaha Fulinta Hayada Waxbarashada SAFE , waxaana uu sheegey in ujeedka ay Shahaadaas u guddoonsiiyeen Jaamacada tahay markii Jaamacada Horn Of Africa ay ka soo dhalaashey sare u qaadida tayada waxbarashada dalka.

“Jaamacada Horn Of Africa waxay Shahaadada ku gudoonsiiney  markii aan Qiimeyn ku sameyney Tayada Waxbarashada iyo deeqaha Waxbarashada Sannadkii 2017 ay siisey Bulshada Somaaliyeed “ayuu  yiri Keyse oo sheegey in Hayada SAFE ay sidoo kale Shahaadooyin Gudoonsiin doonto Jaamacado kale oo iyana Horumar ka gaarey waxbarashada.

Maxamed Cismaan Abba Shiikh oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Horn Africa una  Sharaxan Shahaadada PHD  oo isna ka hadley munaasabada ayaa ugu horeyn u mahad-celiyey  Hayada SAFE oo uu sheegey in dadaal ugu jirto sidii dalka Soomaaliyeed bulshadooda u heli lahaayeen waxbarasho Tayadeedu sareyso waxaauu intaa sii raaciyey “ Shahaadadaan waxay nagu Dhiiragelineysaa inaan sii Laba jibaarno adeega waxbarasho ee aan u Hayno Ummada Soomaaliyeed” isagoo halkaas ka balan qaadey in ay sii wadayaan deeqaha waxbarasho 

Dr Cabdirisaaq Maxamed Diiriye oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ka mid ahaa Xubnihii halkaas ka hadley ayaa u mahad-celiyey hay’adda waxbarashad SAFE oo uu sheegey in ay qabatey qiimeyn loo baahanaa si Bulshada Soomaaliyeed u ogaadaan  Jaamacadaha Tayadooda Waxbarasho  ay aad u sareysa 

Hay’adda Waxbarashada SAFE Waa Hay’ada ka shaqeysa waxbarashada Ahliga waxaana Hoosta taga dugsiyo gaaraya ilaa 300 oo Dugsi kuwaasoo ay u Fududeysa Dugsiyadaas dhinaca Waxbarashada iyo qaadashada Shaadooyinka waxayna ka mid tahay daladaha waxbarashada ee mudada dheer jirey 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]