4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Barlamaanka Puntland oo laalay Mooshinkii ka dhan ahaa Shirkadda DP World

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL) - Baarlamaanka Puntland oo ku gudaha jira kalfadhigooda 41 aad ayaa maanta ka dooday mooshin ka dhan ah shirkadda DP World ee maamusha dekedda Boosaaso, mooshinka waxaa Baarlamaanka horgeeyay siddeed xildhibaan.

Cali Axmed Saalax, xog-hayaha Baarlamaanka oo kulanka ka hor akhriyay nuqul ka mid ah mooshinka ka dhanka ah shirkadda DP World , wuxuu ugu horreyn-ba sheegay doodu in ay salka ku hayso shirkadda in aysan fulin heshiiska ay Puntland la gashay ee horumarinta dekedda oo aysan illaa hadda jirin wax shaqo ah oo dekedda laga qabtay. 

Akhrinta mooshinka ka dib Xildhibaannada fadhiga xaadirka ku ahaa oo gaarayay 40 mudane ayaa cod gacan-taag ah u qaaday , waxaana u codeysay 10 xildhibaan mooshinka inuu dhaqan-galnoqdo , halka ay ka soo horjeesatay 23 xildhibaan , toddobo xildhibaan ayaa igana ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland , Axmed Cabdi Xaashi ayaa kulanka ka sheegay in mooshinka uu horey u socon karo kaliya marka uu helo 22 mudane oo mooshin ku raaca xubnaha soo diyaariyay, balse taas ma dhicin oo siddeedii xildhibaan ee mooshinka soo gudbiyay waxaa kula biirey mooshinka kaliya labo mudane , waxaan guddoonka golaha uu ku dhawaaqay inuu burey mooshinka.

Shirkadda DPWord waxaa ay gacanta ku haysaa maamulidda Dakhliga dekadda Boosaaso, iyadoo xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ay heshiis la gashay,kaasi oo ku saabsanaa in dekadda la ballaariyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online