4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Askari qof rayid ah ku dilay Beledweyne iyo dibadbax ka dhacay magaalada

 


Isniin, August, 27, 2018 (HOL) –Askari ka tirsan ciidamada Booliis-ka dowladda Soomaaliya ayaa bartamaha magaalada Beledweyne toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney oo wadde ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka Bajaaj-ka ee ka dhax shaqeeya magaalada.

Askarigan ayaa la sheegay in si ula kac ah uu rasaas ugu furay marxuumka oo markii danbe dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaasta ugu geeriyooday Isbitaalka magaalada Beledweyne.

Sida goob-joogayaal sheegeen in dilka ayaa u muuqday mid salka ku hayay muran la xiriira dhinac canshuur-ta laga qaado gadiidka yar yar ee Bajaaj-ka soo kala dhaxgalay askariga iyo marxuum-ka geeriyooday.

Marxuum-ka dhintay Yaasiin Cali Saney ayaa qof siweyn looga garanayay magaalada, waxaana uu waaya-dii ugu danbeeyay ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Dhinaca kale magaalada ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne carreysay oo dalbaday in sharciga la horkeeno askarigii ka danbeeyay dilka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]