4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Shacabka Afmadow oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan Dowladda federaalka Soomaaliya [Sawirro]
Isniin, August, 27, 2018 (HOL) –Dibadbaxan oo ay soo abaabuleen ururrada bulshada rayidka ah ee degmada Afmadow ayaa saaka ka bilowday degmadaasi, ayadoo dadweeynihii dibadbaxa dhigayay ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaayay hal ku dhigyo ay uga soo horjeedeen faragelin ay sheegeen in dowladdu ku heeyso Jubbaland.

Ugu danbeyn waxa ay dadku isugu tageen barxadda weyn ee degmadaasi halkaasoo ay masuuliyiinta ururrada bulshada ah ee degmadaasi ay ku muujiyeen dareenkooda.

Dadkii ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay faragelin ku hayaan dowlad goboleedka Jubbaland, ayagoo sheegay in ay ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya in ay faragelinta ka deeyso Jubbaland.

Dibadbaxan waxaa ka qeybgalay ururrada haweenka, dhalinyarada iyo ardeyda wax ka barata xarumaha waxbarasho ee degmadaasi.

Dibadbaxyadan ayaa kusoo beegmaya ayadoo bilooyinkii u danbeeyay uu sii xumaanayay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland, waxaa sidoo kale jiray dibadbaxyo looga soo horjeeday Jubbaland oo ka dhacay qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka.

Madaxda Jubbaland weli kama hadlin dibadbaxayadaasi dhacay, balse shacabkii maanta ku dibadbaxayay Afmadow ayaa ku eedeeynayay dowladda Soomaaliya in wado qorshe ka dhan ah hogaanka Jubbaland.

Xasan Nuur,
Kismaayo-Soomaaliya.